In Horyaalka Faransiiska Uu Xun Yahay & Kroos Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Koox Caan Ah

Laacibka xulka qaranka kubada cagta Germany ee Ton Kroos ayaa wuxuu soo bandhigay, dhaleenceenta uu u hayo kooxda hogaanka u haysa horyaalka Faransiiska, ka hor kulanka uu wadankiisa la dheelayo dhigiisa Faransiiska.

Labada dal, ayaa wada dheeli doona kulan ciyaareed xiiso leh, oo saaxiibtinimo, kaasoo ah kuwa leyskugu diyaarinayo koobka aduunka ee 2018, kaasoo ka dhacaya wadanka Ruushka.

In Horyaalkaan ay ku hogaaminayso Paris Saint-Germain, dhibco badan, iyadoo kaliya la dheelay 12 kulan ayaa wuxuu rumeysan yahay Kroos, in sumcad ahaan aysan u fiicneen horyaalka Ligue 1, Faransiiska.

Wuxuu yiri: “Guud ahaan horyaalka Faransiisku ma ahan mid xun, balse, hadii aad dooneyso inaan halkaas, waa inaad aadaa kaliya PSG, taasina ma ahan wax u wanaagsan guud ahaan sumcad wadankaas.

Isagoo sii hadlayay islamarkaana la barbardhigayay Ligue 1, Faransiiska, Bundesliga, Jarmalka ayaa wuxuu sii raaciyay: “Bundesliga, waa horyaal xoogan waana meel la aadi karo, waana goob aan kula talin lahaa.

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close