Home » Africa » Horyaalka kubadda cagta Dalkeena Soomaaliya oo hakad la geliyay

Horyaalka kubadda cagta Dalkeena Soomaaliya oo hakad la geliyay

Laacib.so : Waxaa galabta la ciyaarayaa kulankii ugu dambeeyey ee ay ciyaarayaan kooxaha horyaalka kubadda cagta soomaaliya kulankaasoo lagu soo gaba gabeyn doono Kooxaha Bariga Dhexe iyo Muqdisho United sababtoo ah in xulka qaranka dalkeena soomaaliya ay ciyaar ugu ambabixi doonaan Dalka Ghana sidoo kalana kulan kale ayay xulka qaranka dalkeena soomaaliya la leeyihiin dalka dib ugu soo biiray qaaradda afrika ee South Sudan.

SFF Secretary General Abdi Qani Said Arab addresses at the closing ceremony 2017

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ee Marka la soo gaabiyo loo yaqaano SFF ayaa ku dhawaaqay in horyaalka uu hakad galayo waxaana dib uu ugu furmi doonaa marka laga soo laabto ciyaaraha xulka qaranka marka ay dib ugu soo laabtaan wadanka Soomaaliya.

Kulanka galabta ay wada ciyaarayaan Bariga dhexe iyo Muqdisho United ayaa waxa uu noqonayaa kulankii 12-aad ee horyaalka haatan magaalada Muqdisho ka socdo waxaana idinla soo socodsiin doonaa Natiijada ciyaarrtaasi wixii ay ku soo idlaato Insha ALLAH.

Lasoco mar walba LAACIB.SO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*