Ibrahimovic ” Waxaan iska diiday dalabyo ay isoo gaarsiiyeen laba koox oo ka ciyaarta Premier League

Ciyaaryahanka weerarka kooxda Man United Zlatan Ibrahimovic ayaa qirray in uu diiday labo koox oo ka ciyaarta Premier League ka hor inta uusan kusoo biirin naadiga Man United.

Weeraryahanka reer Sweden ayaa sheegay in kooxaha Man City iyo Arsenal ay ahaayeen kuwo dalabyo kala duwan soo gaarsiiyay inta uusan kusoo biirin Man United, waxa uuna sheegay in uu iska diiday dalayadaasi.

“ Inta uusan dhicin heshiiska aan ku imaanayay Premier League, waxa ay dalabyo iga soo gaareen kooxaha Man City iyo Arsenal balse dhag jalaq uma siin ayuu saxafiyiinta u sheegay xiddiga Zlatan Ibrahimovic.

Sikastaba Zlatan Ibrahimovic ayaa go’aansaday in uu la shaqeyo macallinkiisii hore ee Mourinho, isagoo iminka wacdarro ka dhigayo horyaalka Premier League.

Related Articles

4 thoughts on “Ibrahimovic ” Waxaan iska diiday dalabyo ay isoo gaarsiiyeen laba koox oo ka ciyaarta Premier League”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close