Ileen qorshihii qaniinyada Luis Suarez wuxuu ahaa jidkii geynayey Barcelona!

Ninka leh saamiga ugu badan ee kooxda Everton Farhad Moshiri oo u dhashay dalka Iran kaasoo ay adag tahay inuu inta badan saxaafadda la hadlo ayaa Talaadadii hadallo lala yaabay ka sheegay shirka sannadlaha ee kooxdiisa Annual General Meeting.

Wuxuu ka hadlay qaabkii qariibka ahaa ee uu Romelu Lukaku ugu qasbay Everton inay iska iibiso, isagoo u sheegay maamulka Everton inuu sixiroole kasoo jeeda Africa kula taliyey inuu ku biiro kooxda Chelsea.

Inkastoo ay xaqiiqadu tahay inay Everton usoo bandhigtay Romelu Lukaku mushaar qiimo ahaan ka sarreeyey midkii Chelsea, balse wiilkaan oo xiriir la leh Africa oo ay hooyadiis u dhalatay ayaa diiday inuu saxiixo qandaraaskaan, taasoo ka yaabisay milkiilaha Everton Farhad Moshiri.

Balse la yaabku wuxuu ahaa inuu Farhad Moshiri daaha ka qaaday inuu Luis Suarez sameeyey falkaan uu sameeyey Romelu Lukaku oo kale, maadaama uu dhowr cayaaryahan qaniinay si uu uga tago kooxda ay xifaaltamaan ee Liverpool uguna biiro Barcelona.

Dabcan Suarez ayaa wuxuu qaniinay Branislav Ivanovic kulan ka tirsanaa horyaalka England Premier League ka hor inta uusan u dhaqaaqin Barcelona, iyadoo maamulka Reds ay doorteen inay iska iibshaan xiddigaan markii uu qaniinay daafaca reer Italy Giorgio Chiellini intii lagu jiray Koobkii Adduunka 2014kii.

Suarez ayaa laga ganaaxay wax walba oo kubadda cagta la xiriira muddo afar bilood ah, iyadoo sidoo kale lagu amray inuu bixiyo 66 kun oo ginni, wuxuuna ka dib ku biiray Barcelona oo uu ka maqnaa dhowrkii bilood ee ugu horreeyey xilli cayaareedka.

Moshiri ayaana kiiskii Romelu Lukaku la xiriiriyey midkii Suarez, maadaama uu xiddigaani cuskaday caddeymo la yaab leh si uga tago kooxdaan, wuxuuna diiday inuu saxiixo qandaraas cusub ka hor inta uusan ku biirin Manchester United.

“Intii lagu jiray kulan aan la yeelanay Lukaku si uu qandaraas cusub u saxiixo, wuxuu ii sheegay inuu wacay hooyadiis oo kasoo jeeda Africa, ka dibna loo sheegay inuu jiro sixir ku qasbaya inuu aado Chelsea,” Moshiri ayaa sidaas yiri.

“Waxaan caddeyn karaa in mushaarkii aan usoo bandhignay uu ka sarreeyey midkii ay usoo bandhigtay Chelsea waqtigaas. Balse kiiskiisu wuxuu iila ekaaday midkii Luis Suarez, oo ku qasbanaaday inuu dhowr cayaaryahan qaniino si uu uga tago Liverpool”.

Waxaa xusid mudan in uusan Luis Suarez hal cayaaryahan qaniinin tan iyo markii uu ku biiray Barcelona

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close