Inay Man Utd Ugu Weyn Tahay Ingiriiska, Hamigiisa & Sanchez Oo Wax Badan Ka Hadlay

Alexis Sanchez weerar yahanka Mushaarka badan ka qaata Manchester United, ee dalka Ingiriiska wareysi siiyay Shabakadda Sky Sport, ayaa sheegay kooxdiisa ay tahay tan ugu weyn guud ahaan dalka Ingiriiska.

Wuxuu kaloo ka hadlay muwduucyo kala duwan, kuwasoo ku saabsan nolashiisa iyo Man United, Hamiga uu lee yahay inta uu Old Trafford ka dheelayo iyo sidoo kale hadii uu ku riyoon jiray udheelista Man United.

“In Man United ay tahay kooxda ugu weyn England, waxaan umaleynayay tan iyo markii aan yaraa, maxaa yeelay been ma aanan sheegin, hada ayaan ku suganahay,” ayuu Sanchez daboolka ka qaaday.

Image result for Alexis Sanchez exclusive: I joined Manchester United to win everything

“Waxaa jira kooxo kale, kuwaasoo awood sare ku leh halkaan, waxaana aniga uga soo dheelay kaliya Arsenal,” ayuu hadalkiisa ku daray.

“Halkaan [Man United] waxaan u imid marka aan fiiriso Dakhliga, waa inaan ku guuleysto wax walba, maxaa yeelay waa koox weyn, kooxaha weyn waa ay helayaan dhamaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay laacibkaan reer Chile.

Sikastaba, Sanchez oo Man United, ku yimid heshiis isdhaafsi ah, kaasoo Henrikh Mkhitaryan, uu qeyb ka yahay, ayaa waxaa kaloo xiiseyneysa kooxda hada hogaamineyso Premier League, ee Manchester City.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close