Home » Spain » Iniesta €35 miylan Oo Uu Shiinaha Ka Qaadan Lahaa Iska Diiday,Sabab?

Iniesta €35 miylan Oo Uu Shiinaha Ka Qaadan Lahaa Iska Diiday,Sabab?

Iniesta ayaa diiday mid uu kaga qeyb noqon lahaa laacibiinta ugu mushaarka badan kubbadda cagta waxaana Iniesta ay kooxdiisu la billowday waa Barça wadahadal qandaraas kordhin ah: heshiiskiisa waqtigan ayaa ku eg 2018-ka.

Wargeyska Shacbiyadda badan ee AS ayaa ku warramay in Barcelona kabtankeeda Andrés Iniesta uu diiday dalabaad uga yimid horyaalka Chinese Super League, waxaa ka mid ah heshiis lala ilmeyn karo oo 35 Milyan oo Yuuro uu sanadkiiba ku qaadan lahaa kaasoo aysan Canshuurtu ku jirin, waxaana la sheegayaa in halkaas uu ku dayacay fursad qaali ah.

Iniesta ayaa waxaa wakiillo u ah laacibkii ay isku kooxda ahaayeen ee Carles Puyol iyo saaxiibkiisa oo ganacsade ah lana yiraahdo Ramón Sostres waxay dhammaantood usoo bandhigeen heshiiska kasoo cusboonaaday dalka Shiinaha.

Josep Maria Bartomeu ayaa usoo jeediyay dhankiisa 2 sano oo heshiis kordhin ah Iniesta, oo 33-jirsan doona May. Balse lacagaha faraha badan ee Shiinaha ayaa caqabad ku noqon kara kooxda Barça taasoo isku deyeysa in ay sii heysato Leo Messi iyo laacibkan kaleba – balse Iniesta ayaa sheegaya in uu ka bixi karo ciyaarista kubbadda cagta sanad keddib.

Inta xagaagan lagu jiro Kabtan Iniesta ayaa ciyaaray 1,390 daqiiqo, 39.6 boqolkiiba, waqtigii la rabay in uu ciyaaro sabab la xiriirta in uu dhaawacnaa. “Waxaan rabaa in aan fursaddan uga jawaabo, ahaaw 1 wax, Iniesta iyo Barcelona ma dareemayaan wax dhibaato ah oo ku wajahan,” ayuu yiri Khamiistii, waxaa uu kusii daray “Sanadkan mid gaar ah ayuu ii ahaa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*