Iniesta Oo Ka Warbixiyay Inta Uu La Egyahay Dhaawciisa Isagoona Fariin U Soo Diray Jamaahiirta Barca

Kabtanka kooxda kubada cagta Barcelona ee Andres Iniesta oo maanta oo Khamiis ah booqdey Isbitaal ku yaala Magaalada Barcelona ee dalka Spain, kaasoo loo daarinayo dhaqaalo lagu dhiso ayaa ka warbixiyay xaaladiisa caafimaad.

Xidigaan reer Spain ayaa wuxuusan kamid ahayn safkii Barca ee guul darada kala soo kulmey naadiga Espanyol, kulankii dhacay Habeenkii Arbcadda, markaasoo Barca looga soo badiyay 1-0, xili goolka looga adkaaday uu yimid xili dambe.

Iniesta ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in caafimaadkiisa uu hada yahay mid fiican, uuna ku jiro soo kabasho, isagoona tilmaamay inuu rajaynayo inuu sida ugu dhaqsiyaha badan uu kusoo laabto.

Wuxuu yiri: “Nasiib wanaag, ma jiraan wax weyn oo hada jira.

Wuxuu intaas ku darey: “Waxaa jira xoogaa soo gelin ah, marka waxaan rajeynaya inaan tababar badan aan sameeyo.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay hadalkiisa: “Kadib waxaan rajaynayaa inaan sameeyo soo laabasho sida ugu dhow ugana macquulsan.

Kabtan Iniesta ayaa waxaa la filayaa inuu kasoo muuqdo shaxda macalin Ernesto Valverde kulanka ay Barcelona la dheeli doonto kooxda kubada cagta Real Batis, kaasoo ka tirsan horyaalka La Liga, islamarkaana dhacay Sabtida soo aadan.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close