Inter Milan Saxiixa cusub Yann Karamoh wuxuu iska diiday man united

Xiddiga Yann Karamoh maalintii uu suuqa kale iibsiga  xirmi rabay ayay kooxda Inter Milan kasoo qaadatay naadiga Caen ee  dalka Faransiiska ka ciyaarto, Hadaba 19-jirkan ayaa sheegay inuu iska diiday dalabyo uu ka heestay Naadiyaash Arsenal iyo man united wuxuuna ka door biday ka mid noqoshada Inter Milan.

Yann Karamoh wuxuu yiri “Waa bilaw ii wanaagsan iyo nolol cusub waxaana rajeynaa kooxdeyda cusub Inter inaan wax badan ka caawin doono”

“PSG ayaa sugeesay inaan dhankooda usoo dhaqaaqo sidoo kalena Arsenal waxay lasoo xariirtay wakiilkeyga”

“Sidoo kale Monaco iyo Lyon ayaa xiiso ii qabeen, laakiin waxaa doortay inaan halkaan imaado oo aan Inter ka mid noqdo”

Yann Karamoh oo weerarka ka cayaaro ayaa ka dhawaajiyay in Neymar, Ricardo Quaresma iyo Paulo Dybala ay yihiin laacibiinta uu ku daysado sidoo kalena uu jecel yahay sidoo oo kale inuu kubada u ciyaaro.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close