Inter Oo Taageero Qalbiga Ah Siineysa Chelsea iyo Man City, Kuna Dhaqaqday Saxiixa Manolas iyo De Vrij

Inter ayaa sheegeysa in ay fasaxeyso mid ka mid ah xiddigaha ugu xooggan difaaceeda, si ay suuqa kala iibsiga ee soo socda cashar uga dhigto kooxda nerazzurri waxay doonatay 2 difaac oo ka mid ah kuwa ugu xooggan horyaalka Serie A.

Ma jiro war qarsoodi ah oo ay Inter u reebatay doonisteeda Kostas Manolas iyo Stefan de Vrij kuwaas oo ka mid ah xiddigaha ay baadi goobka ugu jirto nerazzurri oo suuqa dambe ka dhigeysa darsi lama illaawaan ah, La Gazzetta dello Sport, waxay warineysaa in Inter ay horayba qorshaheeda ugu darsatay saxiixa labadan difaac. Inter ayaa waxay suuqa kala iibsiga gelin doontaa miisaaniyaddii ugu xoogganeyd muddo dheer keddib, waxayna Jaraa’idka Talyaanigu sheegayaan in ay keeni doonto labadaba Manolas iyo De Vrij.

La Gazzetta dello Sport waxaa uu sheegayaa marka ay kooxdu soo iibsato labadaan laacib waxaa suuqa la geyn doonaa wiilka ay wada doonayaan Man City iyo Chelsea ee dalka Colombia u dhashay difaaca dhexena ka ciyaara Jaison Murillo kaaso boos ka raadsan doona kooxaha horyaallada kale. ​Chelsea iyo Manchester City ayaa la sheegay in ay horayba aad ugu baadi goobayeen Murillo balse Inter ayaa goosan karta iibintiisa marka ay lasoo wareegto AS Roma libaaxeeda Manolas oo aan ka tegi Karin garoonka Olimpico isagoon la dhaafsan € 40 milyan.

De Vrij, ayaa dhanka kale isaguna ku jira dooqeeda suuqa Lazio ayuu qandaraaskiisu ka dhacayaan June 2018 waxaana ay kooxdaasi u bandhigtay heshiis kordhin in kastoo wiilka reer Holland lala xiriirinayo kooxda Manchester United.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close