Inter oo xiiseyneysa xiddig uu jecelyahay Zidane

Kooxda Inter ayaa xiiseneysa mid ka mid ah xiddigaha uu jecel yahay macallinka kooxda Real Madrid ee Zidane, kaasoo u ciyaaro isla kooxda Ral.

Naadiga ka dhisan dalka Talyaaniga ayaa diyaarineysa qorsho ay kusoo qaadaneyso xiddiga garabka weerarka naadiga Real Madrid ee Lucas Vazquez.

Jariiradda kasoo baxdo dalka Talyaaniga ee Corriere dello Sport ayaa sheegeysa in Inter ay xiiseneyso xiddiga Lucas Vazquez, kaasoo Zidane uu si weyn u jecel yahay.

Sikastaba Lucas Vazquez ayaa inta badan badel kusoo gala kulamada Real waxaana laga doorbidaa Isco iyo James oo ka mid ah ciyaaryahanada la rumeysan yahay in ay ka tagi doonaan  Santiago Bernabeu,

lucas

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close