Inuu Dheeli Karo Iniesta Kulanka Atletico & Warar Ku Saabsan Tababarkii Maanta Ee Blaugrana

Ciyaaryahanada kooxda kubada cagta Barcelona, ayaa waxay sameeyeen maanta oo Khamiis ah, tababarka ay iskugu diyaarinayeen ciyaarta ay la dheeli doonaan kooxda kubada cagta Atletico De Madrid, kulan ka tirsan La Liga.

Ciyaartaan ayaa waxay ka dhaceysa guriga kooxdaan Mayalka adag, waxaana ay tahay tijaabadii ugu adkeed oo ay marto Barca, ka hor ciyaartaan xiisaha badan, waxaana ay heegan u geli doonyaa difaacashada hogaankeeda Horyaalka.

Blaugrana, ayaa waxay haatan ku hogaamineysaa horyaalka shan dhibcood, iyadoona Real Madrid ka sareysa Todoo dhibcood, waxaana ay tahay farqigii ugu badnaa oo ay Barca kaga qabato hogaanka Los Blancos.

Camaaliqada Horyaalka Spain, ayaa tababarkeeda maanta, waxaa lagu soo waramayaa inay soo xaadireen wiilasha kala ah Nelson Semedo, Andre Gomes, Jasper Cillessen, Samuel Umtiti, Lucas Digne iyo Thomas Vermaelen.

Waxaa sidoo kale, ku jira Kabtankooda Andres Iniesta, kaasoo ah mid muhiim u ah kooxdiisa, waxaana uu dheeli doonana ciyaarta Atletico De Madrid, Leo Messi oo ka maqnaan ayaa wuxuu imaan doonana tababarka Beri oo Jimce ah.

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close