Inuu Ka Duwan Yahay Dadka, Sababta Uu U Xishooda & Rakitic Oo Leo Ku Tilmamaay Kan Ugu Fiican

Ivan Rakitic ayaa wuxuu kasoo muuqday Barnaamij-ka El Hormiguero, oo ka baxa TV ku yaala dalka Spain, habeenkii Isniinta, halkaas uu ku wareystay Tabiyihii barnaamij-kaas oo lagu magacaabo Pablo Motos.

Xidigaan heerka caalami ee dalka Croatia, ayaa wuxuu ka hadlay muwduucyo kala duwan, oo ku saabsan kubadda cagta, laakiin waxaa ugu xasaasinaaa ama ugu xiiso badnaa mar uu si gaar ah uga faalooday Lionel Messi.

“Messi waa mid tix-raac ah, ciyaarteena isaga ayay ku tiirsan tahay, qofna uma baahna si uu ula hadlo, waa mid isku filan, waana midka taariikhd augu fiican, waxyaabo badan ayuu horey usameeyay,” ayuu yiri Rakitic.

Image result for messi and rakitic

“Waa uu xishoodaa, maxaa yeelay wuxuu ogyahay in qofka uu soo fiiranayo aktiisa, laakiin waa midka koowaad ee icaawiyay marki aan helay kooxdaan, wuxuu iweydiiyay waxa aan ubaahanahay waa mid ka duwan dadka kale,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Ciyaaryahankaan oo sidoo kale ka hadlay markii uu helay warka ku aadan inay xiiseyneyso Barca ka hor koobka aduunka 2014, ayaa Riyo ii rumowday ku tilmamaay, kusoo biirista camaaliqada La Liga.

Rakitic, ayaa ugu dambeyntii, wuxuu cod dheer ku sheegay in Fanaanka David Bisbal, uu ka caawiyay Barashadda luqada Spain.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close