Iska Ilaaw Juventus & Inter: Verratti Oo Taageere U Noqonaya Messi,Sidee?

Marco Verratti laacibka booska dhexe uga ciyaara naadiga  PSG ayaa waayadaan shaki lagalinaayey mustaqbalkiisa kooxda marka uu dhamaado ollaha hadda socdaa,iyadoo ay xiiso badan u hayaan qaar kamida kooxaha ugu waaweyn qaaradda.

Qandaraaska uu haatan kula joogo kooxdiisa waxa uu yahay mid dheer kaasoo ku ekaan doona ilaa sanadka 2021,laakiinwaxaa wiilka reer talyaani aay u xiiseenaya quwado kale oo isla qaaradda ah.

Mid taa kabadalan ayuu wataa taas , waxaana VERRATTI  uu doonayaa inuu ku biro BARCELONA haddi uu ka tagaayo dalka fransiiska, waana dookhiisa kan ugu horeeya,sida uu xaqiijiyey jariiradda Don Balon,waxaana uu wiilkan doonayaa inuu ka garab ciyaaro Lionel Messi.

Si kasta naadiyada aadka u xiiseenaaya waxaa kamida  Inter iyo Juventus oo aan weli ka quusan laacibkan, hase ahaatee tartanka ay ku cariirineyso naadiga Barcelona oo ah meesha uu jecelyahay Verratti.waxaana haddii uu yimaado camaaliqada uu xoojin doonaa kooxda reer spain oo hadda heysata xiddigaha ugu wanaagsan aduunka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close