Iska Illow Messi & Ronaldo, Weerar Yahanka Ugu Wanaagsan Aduunka Oo Lagu Dhawaaqay

Ciyaaryahanka khadka dhexe kaga dheela Real Madrid ee Mateo Kovacic, oo la hadlayay wariyaasha ka hor kulanka caawa ee Champions League, ayaa waxaa uu qiray in Mauro Icardi, oo ay rabto kooxdiisa, uuna imaan karo.

Waxa uu daboolka ka qaaday in hadii wiilkaan haatan ka tirsan Inter Milan, oo wax badan caawin doono Madrid, laakiin waxa uu sheegayaa in Karim Benzema oo ay haystaa uu yahay weerar yahanka aduunka ugu wanaagsan.

Image result for Mateo Kovacic on Icardi

Wuxuu yiri: “Waan lasoo dheelay Icardi, waxa uu yahay ciyaaryahan aad u wanaagsan, waxaana hubaa inuu wax badan ka caawin doono Real Madrid, hadii uu usoo wareego bisha Janaayo ee sanadkaan.

Wuxuu raaciyay: “Laakiin, waxaan haysanaa, ciyaaryahanka ah, gooldhaliyaha ugu wanaagsan aduunka, waana Karim Benzema kaasoo wax badan ka caawiya Kooxdeena, waxaana rajeynayaa inuu noo dhaliyo goolal.

Mauro Icardi, oo ah Kabtanka kooxda kaalinta koowaad kaga jirta shaxda kala sareynta horyaalka Talyaaniga ee Inter Milan, ayaa waxa lala xiriirinayaa inuu kusoo biirayo Real Madrid, wallow sheekadaas uu daaqada ka saaray isaga.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close