Iska Illow Real, Guardiola Oo Shaaciyay Kooxda Ugu Halista Badan Xagaagan Champions League

Pep Guardiola, macalinka naadiga Manchester City ayaa wuxuu aaminsan yahay in Barcelona ay tahay kooxda ugu cad cady in sanad ciyaareedkan ay ku guuleysato Champions League, sababtoo ah buu waxay haystaa Lionel Messi.

Waxaa la weydiiyay su’aasha kadib markii ay ku garaaceen kooxda kubada cagta Newcastle United 1-0, kulankii ka tirsanaa horyaalka Premeir League, ee dhacay habeenkii xalay, xili uu goolka dhaliyay Raheem Sterling.

“Kooxdee ayuu udheelayaa Lionel Messi?” ayuu ninkaan kasoo jeeda Gobolka Catalonia, uu weydiiyay wariyaasha, kaasoo sida iska cad ku ku jawaabay Barcelona – “Kadib iyaga ayaa ugu cad inay ku guuleystaan,” ayuu raaciyay.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray: “Waxay yihiin sidoo kale, kuwa ugu halista badan koobkaan, sababtoo waxay haystaa ciyaaryahanka dunida ugu wanaagsan waana Lionel Messi, waxaana uu sameyn karaa wax walba.

Ugu dambeyn, Guardiola oo la su’aalay hadaladii uu dhawaan sheegay Jose Mourinho oo ahayd in hadii aysan dhaqaalo badan haysan aysan la tartami karin Man City, ayaa sheegay in uusn dooneen inuu ka hadlo arinkaas.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close