Iska Illow Real Madrid Iyo Barcelona, Xavi Hernandez Oo Shaaciyey Hada Ugu Fiican Aduunka

Xavi, oo wareysi siiyay Shabakada El Pais, ee wadanka Spain ayaa daboolka ka qaadey in kooxda ManCity ay tahay mida ugu fiican, hada aduunka, waayo ayuu yiri: “Waxa isku deyayaan inay badiyaan daqiiqadihii ugu horeeya ee kulan kasta.

Manchester City ayaa waxay kaga jirtaa waqti xaadirkaan kaalinta koowaad shaxda kala sareynta ee Premier League, waxayna tahay mid aanan wali laga badin dhamaan kulamadii ay ka dheeshay horyaalka wadanka UK

Xavi ayaa wuxuu aaminsan yahay Manchester City, ay tahay mid ku guuleysan karta fasal ciyaareedkan horyaalka Premier League, hadii ay sidaan kusii socoto, wuxuuna taasi amaaney maaamulaheeda Pep Guardiola.

Wuxuu yiri Xavi: “Kooxda kaliya ee hadda aduunka ku sugan ee isku deyeysa inay sareyso kulan kasta bilowga iyo dhamaadka, waa Man City, hadii ay sidaan kusii socoto, waxay hanaan kartaa waxa ay hada udagaalamayaan.

Wuxuu hadalkiisa ku darey: “Pep Guardiola, wuxuu yahay kan waxyaabahaas oo dhan masuulka ka ah, waxaaan umaleynayaa inuu yahay mid shaqo adag markuu qabtey ay usuura geshay arrimahaan oo dhan, waxaana urajeynayaa guul.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay hadalkiisa, mar wax laga weydiiyay wax qabadka xagaagan ee Lionel Messi: “Dabcan, waa mid cajiib ah waxaana umaleynayaa inuu yahay mid ku socdo wadooyinkii ka dhigtey kan aduunka ugu fiican.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close