Ivan Rakitic Oo Hadley Dhibaatada Real Xili Uu Shaaciyey Waxa Uu U Rajeynayo [Guul Daro Mise?]

Xidiga Khadka dhexe uga dheela Barcelona ee Ivan Rakitic, ayaa wuxuu si kooban uu kaga Hadley dhibaatada hada haysata Madrid, taasoo ah in aysan badineen kulamo xiriir ah, waxayna kaliya badisay kulamdii ay dheeshay 9 kamid ah.

Madrid ayaa waxay hada ay kaga jirtaa shaxda kala sareynta ee La Liga, kaalinta Afaraad, iyadoona ka hooseysa Barcelona oo koowaad ku jirta 16 dhibcood, waxayn tahay mid aad u badan marka si gaar ah loo eego.

Laakiin, xidiga Barca ee Rakitic, oo la weydiiyay waxa ka qaldan xagaagan Madrid ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in tahay wax mar walba ku dhaca kooxaha kubada cagta, isagoona urajeeyey inay guuleysato.

Wuxuu yiri, Rakitic: “Waa wax caado ka ah kubada cagta, waxaana rajeyneynaa inay guuleysato [kulamada soo aada].

Wuxuu intaas ku daray: “Dabcan, Real Madrid, waa koox weyn, waxay haystaa qaar kamid ah, xidigaha aduunka ugu wanagasan.

Los Blancos ayaa waxay la balansan tahay kooxda kubada cagta Espanyol, iyadoona kulankaan oo ka tirsan La Liga, la baasan doono Marqibnimada caawa oo Sabti ah, waxaana Zidane, uu indhaha si fiican ugu hayo kulankaan.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close