Jabriil xasan fariid oo ballan qaaday in horyaalka ay qaadi doonaan.

Laacib.so Weeraryahanka heerka caalami dalkeena Soomaliya iyo naadiga booliska Soomaliyeed ee Heegan Jabriil Xasan Fariid ayaa fariin culus u diray kooxaha ay kula loolamayaan horyaalka Somalia, isagoona sheegay in ay ka go’antahay ku guuleeysiga horyaalka Soomaaliya ee haatan ku jira hakadka.

Ciyaaryahan Jabriil xasan Fariid ayaa sheegay in bisha soo aadan ee May 2017 ay la ciyaari doonaan kooxda Dekedaha,isagoona ku amaanay inay heeystaan laacibiin fiican hamigoodana yahay hanashada horyaalka in ay qaadaan.

Wuxuu yiri Jabriil “Bisha danbe waxaa la ciyaareeynaa Dekedda waa koox fiican waxa ay heeystaa C/Casis Catoosh ,Axmed Xasan Macaane,C/Kariim Qubaaye iyo xidigo kale oo aad u wanaagsan,had iyo jeer ujeedkeeyna waa inaan xili ciyaareedkaan ku guuleeysanaa horyaalka Soomaliya waana sii laba jibaari doonaa hamigeena iyo loolanka adag uu hada horyaalka marayo” ayuu yiri.

Sidoo kale asigoo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Dekeddaha iyo Elman waa kooxo wanaagsan laakiin kama baqaneeyno in horyaalka Somaliya dartood u weeyno ama ay naga badiyaan labada kulan.

Weeraryahanka kooxda Heegan Jabriil ayaa u digay Dekedda iyo Elman una sheegay in ay Heegan kula loolamayso hanashada horyaalka Soomaliya 2016-2017,Ugu dambeyn kabtanka koxoda Heegan Jabriil Xasan Fariid ayaa shantii kulan ugu dmabeesay goolal u dhaliyay kooxdiisa Heegan,isagoo ka farxiyay kooxdiisa.

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close