James Oo Saadaaliyay Xidiga Caawa Ku Guuleysan Doona Ballon d’Or, Ma CR7 Mise Messi

Laacibkii hore ee naadiga Real Madrid, islamarkaana haatan udheela kooxda kubada cagta Bayern Munich, James Rodríguez, ayaa waxa uu si cad usheegay in Cristiano Ronaldo, uu yahay mid ku guuleysan doono caawa Ballon d’Or.

Wuxuu sheegayaa in Ronaldo, uu yahay midka kaliya ee uqalma inuu hanto caawa biladaan, wuxuuna daboolka ka qaaday inuu rajeynayo in wiilkaan reer Portugal uu ka dhigto, caawa markiisii shanaad, oo ku guuleysto Jaa’izadaan.

Isagoo la hadlayay saxaafada, ayaa waxa uu sheegay James, in Ronaldo uu wax badan qabtay xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, sidaas darteeda, uu yahay midka caawa ku garaaci doono Lionel Messi, biladaan.

Wuxuu yiri: “Waxaa uqalma Cristiano Ronaldo, waxa uu sameeyay xili ciyaareedkii hore, wax badan, waxaana ku farax sanahay inuu u ahaa xagaag aad u heer sareeya, waxaana uu ka dhigan doonaa caawa markii shanaad.

Wuxuu sii raaciyay: “Waxaan mar walba leeyahay waxa uu yahay midka saxda ah ee uqalma, waxa uuna sameeyay horumar badan, waxaaan uu yahay ciyaaryahan cajiib ah, kaasoo wax badan ka bedalay qaab ciyaareedkiisa.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close