Jaun Mata oo si aan caadi aheyn Real Madrid u niyad jebiyay kana farxiyay Tageerayasha Man United.?

Laacibka kubad sameeyaha Manchester United Juan Mata ayaa shaaca ka qaaday in David De Gea uu si daran ugu faraxsan yahay nolosha garoonka Old Traffod xilli ay aad isku soo Tarayaan wararka xanta ah ee la xiriirinaya kooxda Real Madrid.

Goolhayaha dalka Spain ayaa laba sano ka hor ku dhawaaday inuu ku biiro kooxda Los Blancos balse mar kale ayey soo ifbaxeen inuu u guurayo Santiago Bernabeu.

Juan Mata ayaan wax walwal ah ka qabin saxibkiis David De Gea inuu baxo, isagoo ka dhawaajiyay ineysan jirin sabab uu kaga tago kooxda Man United sidoo kalana uu ogyahay inuu kooxda ballan qaad u sameeyay.

Hagaag, waxey ila tahay inuu ku faraxsan yahay sida cadna kooxda balan qaad ayuu u sameeyay ah inuu heshiis siinayo” ayuu yiri Juan Mata.

Sida cad aad ayuu ku noolshaha England ula falgalay, wuuna ku faraxsan yahay Manchester u,ciyaariteeda.

Aniga ahaan waa xidig weyn, shaqsiyad ahaan, ciyaariyahan ahaan, hadii uusan aheyn kan ugu wanaagsan waan hubaa inuu sadexda ugu sareyso yahaykooxda man chester united.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close