Jeenyo iyo Dekedda oo ku ballansan garoonka Banaadir

koonis

Kooxaha Jeenyo FC iyo Dekedda ayaa  ku ballansan garoonka Koonis ciyaar ka tirsan horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya.

Jeenyo ayaa kullankii ugu dambeeyay waxa ay bar baro lasoo gashay Elman halka Dekedda ay iyana 1-1, la dhaafi weysay Gaadiidka.

Cabaas Maxamed oo khadka dhexe uga ciyaaro Dekedda ayaa kulankaan ku seegayo kaarka gadduudan kaddib markii laga saaray ciyaartii Gaadiidka.

Dekedda ayaa haddii ay badiso waxa ay la wareegi doontaa hoggaanka horyaalka halka Jeenyo dhankeeda haddii ay adkaato ay tagi doonto 15 dhibcood.

Sikastaba horyaalka Soomaaliya ayaa sanadkan ka xiiso badan sanadihii hore mahadaama ay si weyn isku dhiseen kooxaha ka qeyb galaya ,iyagoo lasoo wareegay xiddigo wax tar leh.

Related Articles

2 thoughts on “Jeenyo iyo Dekedda oo ku ballansan garoonka Banaadir”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close