Jeenyo iyo Horseedoo galabta isku dhagan

Koobka Janeraal Daa’uud ayaa galabta dib loo ciyaari doonaa, waxaana kullanka Sami Finalka is arkaya kooxaha Jeenyo iyo Horseed.

Labadii sanno ee lasoo dhaafay Horseed iyo Jeenyo ayaa kusoo kala guuleystay koobkaan, markii ay ka qaadeen kooxda Heegan.

Koobkaan ayaa qabashadiisa lasoo billaabay sanadku markuu ahaa 1972-kii, waxaana difaacaneysa kooxda Cawo iyo Maalin ee Horseed.

Kullankii ugu dambeeyay ay  wada ciyaareen labadaan kooxood waxaa 3-1 ku badisay Jeenyo waana ciyaar dhacday  07/03/2016-ka.

Kooxda Jeenyo  waxaa kullankaan ka maqan daafaca birta ah ee Aadan Eeneey, waxaana laga yaabaa in booskiisa la ciyaarsiiyo xiddiga Daadir Camma.

Sidoo kale weerarka kooxda ayaa laga yaabaa in lagu soo billaabo Shaarkeey, mahadaama uu bandhig wanaagsan ku sameeyay kullamadii u dambeeyay ee uu matalo kooxdiisa.

Xiddiga lambarka 3’aad u xirto Horseed ee  Cali C/raxmaan ayaa laga yaabaa in uu seego kullanka galabta, mahadaama jug xoogan ay soo gaartay kullankii Sami Finalka ay kooxdiisa ka badisay Dekedda.

Horseed ayaa kullankii ugu dambeeyay waxa ay 2-1 uga badisay Dekedda, halka Jeenyo ay 6-2 ku garaacday  naadiga heerka labaad ka ciyaarta ee Rajo.

Kaliya labo bar baro ayee heshay kooxda Horseed,  siddeedii ciyaar ee ugu dambeysay ay la ciyaartay Jeenyo, waxaa laga badiyay lix kullan.

20 gool ayee is ka dhaliyeen Jeenyo iyo Horseed kullamadii ay is wajaheen, waxaana goolasha ugu badan dhalineysay kooxda Jeenyo.

Kooxdii badisaa galabta waxa ay iska xaadirin doontaa Finalka koobka Janeraal Daa’uud oo lasoo gaba gabeyn doono maalinta Axadda sida ku xusan jadwalka kasoo baxay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close