John Terry halkee ayuu kusii jedaa xilli ciyareedka marka Uu Dhamaado sanadkan..

Kabtanka naadiga chelsea John Terry ayaa maanta Si Rasmi ah ugu dhawaaqay in uu xagaaga soo socda isaga tagi doono kooxdii uu mudada dheer soo difaaca u ahaa ee chelsea.

Hadaba wararka haatan soo baxaya ayaa sheegaya in daafacan khabiirka ah ku dhowyahay in uu ku biiro kooxda ka ciyaarta horyaalka America ee MLS.

Website-ka GOAL ayaa sheegaya in uu xiddigan xilli ciyaareedka dambe ka ciyaari doono horyaalka America xilli uu dalabyo isdaba joog ah ka helayo kooxo horyaalkaas ka ciyaara.

Kabtanka ayaa sidoo kale noqon doona xiddiga ugu mushaharka badan horyaalka MLS isaga oo sanadkii mushahar ahaan u qaadan doona lacag dhan 750 Dollar.

John Terry ayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan iska siibi doona maaliyada chelsea oo uu soo difaacayay muddo 22 sano ah oo uu waliba kula soo guulaystay koobab kala duwan oo aad u badan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close