Jose Mourinho ayaa Muujiyay Nemanja Matic Awooda oo Kulankiisii Ugu Horeeyay Ee soo bandhigay Manchester United?

Tababare Jose Mourinho ayaa amaanay xidiga cusub ee kooxda Manchester United Nemanja Matic, isagoo ku sheegay inuu yahay geesi kadib markii uu abuuburay kubado badan kulankiisii ugu horeeyay ee Manchester United.

Nemanja Matic ayaa kusoo bilaawday kulankii United 2-1 kaga badisay ciyaar saaxiibtinimo Naadiga Sampdoria magaalada Dublin, ka dib markii £ 40m uu kaga yimid kooxda heysata horyaalka Premier League ee Chelsea.

Waxa uu u baahan yahay waqti, laakiin waayo-aragnimo wanaagsan ayuu u leeyahay halkaan, qaab wanaagsan oo aan fileyn ayuu u ciyaaray kulankii ugu horeeyay, ayuu yiri Mourinho.

Waxaan ka caawin doonaa isaga inuu diyaar ku noqdo sida ugu dhaqsiyaha badan ayuu jose Mourinho yiri ka dib ciyaarta.

ciyaarnahada cusub ee Matic, Victor Lindelof iyo Romelu Lukaku oo ah saxiixyada cusub ee Manchester United ayaa dhamaan kusoo wada bilaawday kulankii ka dhacay Stadium Aviva.

man united ayaa goolka furitaanka qeybtii hore ee ciyaarta waxaa u dhaliyay Henrikh Mkhitaryan, laakiin Sampdoria ayaa waxaa usoo barbareeyay qeybta labaad Dennis Praet ka hor inta goolka guusha dhalin Juan Mata.

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close