Jose Mourinho oo ka hadlay sababtii uu Paul Pogba kaga saaray kulankii New Castle United

Naadiga  Man United waxay guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda kubada cagta ee New Castele cayaar ka tirsaneyn Horyaalka  EPL oo 1-0 lagu badiyay

macalin Mourinho ayaa Sky Sports wax ka weydiisay sababtii Paul Pogba uu garoonka kaga saaray kulankii New Castle hadii uu dhaawac soo gaaray cayaaryahankan ama bandhig xumadiisa uu ku badalay.

Jose mourinho wuxuu yiri “Wax dhaawac ah masoo gaarin Paul, dhibna ma jirin”

“Waxaan rabay hanaan kale oo khadka dhexe wax kaga badalo, waayo New Castle difaac adag ayay ku jireen kubad walbana wey naga baloog gareenayeen”

“Sidaa darteed waxaan rabay Michael Carrick inuu kubada qeybiyo sidoo kalena Alexis weerarka sii caawiyo”

Sidaa darteed Mourinho wuxuu garoonka Pogba kaga saaray si kooxdiisa shax ahaan wax kaga badalo ee dhaawac masoo gaarin cayaarahankan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close