Jose Mourinho Oo Ka Shifay Manchester United,Isagoo Sheegay…..

Leyliyaha kooxda Manchester united jose Mourinho ayaa si kaftan la’aan ah u sheegay in kooxdisu liidato , isagoo xusay in naadigia uu hogaamiyo in aanay goolal ku filan dhalinin xilli ciyaareedkan,taasna ay caqabad tahay.

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa u sheegay ciyaartoydiisa weerarka in ay dhaliyaan Goolal badan ,

Wiilasha Mourinho ayaa barbaro galay seddexdii kulan ee la soo dhaafay tartanka Premier League, iyakoona Fadhiya booska lixaad ee kala sareynta horyaalka, afar dhibcoodna U jira Booska Afaraad.

Kaliya 33 gool ayee dhaliyee 23 kulan oo horyaalka Ingariiska, wexeena Arbacada 0-0 la dhaafi weyday kooxda Hull City.

Jose Oo Caro Ka Muuqatay Ayaa sidaan Ku Bilaaway hadalkiisa,”Waxaan u maleenayaa inaan qaadno weerar aad u badan oo ka Yimaada ciyaartoy badan,” Mourinho ayaa siaas ku sheegay shirkiisa jaraa’id

“Marka aad ka hadleyso goolasha Zlatan waxaa ay dhan yihiin 14 gool iyo hal rigoore, waxaana nahay koox weeraryahankeedu ugu sareeyo”.

Si kasta Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Mourinho yiri “waan fahahsanahay waxa aad sheegeyso waxaan qaadnaa weerar badan waliba iyadoo ciyaaryahanada ay xor yihiin, waana kugu raacsanahay inaan dhalin goolal nagu filan, waanse inaan dhalinaa goolal badan, marka aad aragto goolal badan oo aan dhalino markaas wax walba waa saxan yihiin”

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close