Jose Mourinho oo si lama filaan ah uga soo qaadanaya Man city Sergio kun Aguero.

Macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa doonaya inuu gacanta kusoo dhigo gooldhaliye Sergio Aguero kaasoo u ciyaara naadiga ay deriska yihiin ee Manchester City.

Majaladda The sports news ee kasoo baxda dalka Ingiriiska ayaa maanta sheegeysa inay Man Unted diyaar u tahay inay si lama filaan ah ula soo wareegto gooldhaliyaha reer Argentina ee u ciyaara Naadiga ay isugu neceb yihiin dunida ee Man City ka dib markii ay maamulka kooxdu yaqiisandeen in uusan Zlatan Ibrahimovic markale kusoo laaban karin qaab ciyaareedkiisii heerka sarre ahaa xitaa haddii uu si guul leh dhaawaca jilibka ah uga soo bogsado.

Zlatan Ibrahimovic ayaa shalay sawirro looga soo qabtay Mareykanka isagoo ku jooga jid uu ku oo soo kabsho lahaa ka dib markii qalliin jilibka ah lagu sameeyey.

Maamulaha naadiga ka dhisan Old Trafford ee Mourinho ayaana haatan bartilmaameed ka dhigtay 28 sanno jirkaan Sergio Aguero, kaasoo macalinka cusub ee Pep Guardiola uu u arko mid aan looga baahneyn kooxda ka dhisan Etihad.

Intaas waxaa sii dheer, macalin Mourinho ayaa ka warqaba inuu saxiixa xiddigii hore ee Atletico Madrid ugu kici karo 55 milyan oo ginni, isla markaana uu dunida u caddeyn karo inuu weli ka mid yahay weeraryahannada ugu wanaagsan horyaalka Premier League.

Tan iyo markii uu kulankiisii ugu horreeyey u ciyaaray Man City sannadkii 2011kii, Aguero ayaa dhaliyey 120 gool oo horyaalka EPL ah keliya 178 kulan oo uu saftay.

Man United ayaana ka aarsan doonta Man City ka dib heshiiskii muranka dhaliyey ee uu Carlos Tevez oo u dhashay Argentina labadaan kooxood ugu kala gooshay sannadkii 2009kii.

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close