Jose Oo Bilaabay Weerar Afka Ah Uu Ku Qaado Klopp Xilli Uu Isana Jawaab Bixiyay

Macalinka Kooxda Manchester United, ee Jose Mourinho ayaa wuxuu bilaabay dagaalka afka uu ku qaado macalinka Liverpool ee Jorgen Klopp kadib markii uu sheegay in xilli ciyaareedka uu ka dhaxeyn doono loolan weyn, Balse, Macalinka Reds oo la hadlay wariyaasha islamarkaana wax laga weydiiyay sheekadda ku aadan arimahaan ayaa wuxuu sheegay in uusan xiiseenin inuu dagaal afka ah la gallo Tababarahaan.

Klopp ayaa shaaca ka qaaday in uusan waqti u aheyn inuu jawaab siiyo macalinkaan, wuxuuna iska fogeeyay inuu xitaa hal aray ku cabiro dareenkiis ku aadan hadalkaan kasoo yeeray Jose.

Macalin Mourinho ayaa wuxuu caan yahay in marka uu kasoo muuqdo Saxaafadda horteedda inuu ku maadeysto macalimiinta kasoo horjeedda, iyagoona si weyn loo xasuusto sheekadii dhaxmartay isaga iyo Wenger.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close