Jose Oo Xiddig Ka Tirsan Kooxdiisa Ka Dal-baday Inuu Mar Waliba Sameeyay Arin Layaab Leh

Macalinka Kooxda Manchester United, ee dalka Ingiriiska, ninka lagu magacaabo Jose Mourinho, ayaa wuxuu amaan ugu qubeeyay weeraryahanka Faransiiska udhashay ee Anthony Martial.

Jose ayaa wuxuu ciyaaryahankaan ku amaanay gool cajiib ah uu caawiyay ciyaartii ka dhacay Magaalladda Santa Clara, ee dalka Mareykanka, ayna Rigoorayaal ku xasuuqeen Naadiga Real Madrid, oo Spain ka dhisan.

“Mar waliba waxaan aad ujeclaan lahaa inuu sidaan sameyay ii sameeyo,” ayuu Jose, usheegay Wariyaasha kadib kulankaas, isagoona hadalkiisa kusii daray, inuu yahay xiddig leh awood ciyaareed oo sareysa.

United ayaa kulankii dhacay habeenkii xalay ahaa, waxay 2-1, oo Rigoorayaal ah ku garaaceen Kooxda Real Madrid, waxayna sidaas ugu noqoneysaa guushoodii seddexaad ee kulmadda ay dheeleen xilli ciyaareedka cusub ka hor.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close