Juve Oo Bareejo La Gashay Tottenham Xili Man City Ay Dhagaha Kasoo Tuntay FC Basel [Sawiro]

Kooxaha Juventus iyo Tottenhan, kuwaasoo wada dheelay kulan ciyaareed ka tirsan koobka Champions League, ayaa waxay wada galeen Bareejo 2-2, habeenimadii Talaadda ahayd.

Kulanka labada kooxood oo garoonka Juve ka dhacay ayaa waxaa goolasha ku hor martay Marwadda Duqda, waxaana udhaliyay Labo gool oo daran doori ah weerar yahankooda Gonzalo Higuaín.

Match photo

Laakiin, Tottenham ayaa hal gool iska soo celisay qeybta koowaad, Harry Kane ayaana udhaliyay ka hor inta uusan Bogga labaad goolka kale, usoo celin, laacibkeeda Christian Eriksen.

Geesta kale, Manchester City ayaa kusoo baashaashay FC Basel, waxayna indhaha kasoo gilisay 4-0, iyadoona goolashaan ay kala dhaliyeen xidigaha Sky Blues labadda qeybood ee ciyaartan.

Gundogan (left) scored City's first and fourth goals of the night

İlkay Gündoğan iyo Bernardo Silva, ayaa qeybta koowaad goolasha udhaliyay kooxda Man City, halka Sergio Kun Aguero iyo Gündoğan ay dhaliyeen qeybta labaad goolasha, waxaana xusid mudan in Gündoğan, uu labo gool saxiixay.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhamaaday 4-0, oo loogu awood sheegtay Basel oo garoonkeeda la joogay, waxaana lugta labaad la ciyaari doonaa isla bishaan, iyadoona kooxdii Natiijo fiican hesha ay wareega xiga ugudbi doonto.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close