Juventus oo bar baro ka tuugtay Bayern xilli lagu ciyaarayay garoonkeeda+SAWIRRO

Kooxaha Juventus iyo Bayern Munich ayaa kullan xiiso badan waxa ay ku yeesheen garoonka Juventus Stadium iyadoo ciyaartaas ay ka tirsaneyd koobka Champions League.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dar dar ah iyadoo kooxdaBayern Munich  ay aheyd koox si wanaagsan ku bilowday kulanka.

Fursado aad u wanaagsan oo goolal loo filan karay aye  iska qasaariyeen labada kooxood intii ay socotay qeybtii hore.

Daqiiqaddii 43’aad ee ciyaarta kooxda Bayern Munich ayaa la timid goolkii koowaad waxaana u dhaiyay xiddiga weerarka ee Muller iyadoo qeybtii hore lagu kala nastay 1-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa kooxda Bayern waxa ay markale la timid goolkii labaad waxaana u dhaliyay xiddiga Arjen Robben.

Juventus ayaa soo qaaday weeraro kala duwan waxaana u suura gashay in ay la timaado gool waxaana u dhaliyay xiddiga Paulo Dybala isagoo ciyaarta ka dhigay 2-1.

Robert Lewandowski ayaa qasaariyay fursado dhowr ah oo gool loo filan karay intii ay socotay daqiiqadihii hore qeybtii labaad ee ciyaarta.

Daqiiqaddii  76’aad ee ciyaarta ayaa Juventus waxa ay la timid goolkii bar baraha waxaana u dhaliyay Stefano Sturaro kaasoo ka farxiyay taageerayaasha Juventus.

Sikastaba ciyaarta ayaa waqtigii loogu tala galay waxa ay kusoo dhamaatay bar baro 2-2, iyadoo labada kooxood ciyaartooda labaad ay ka dhici doonto garoonka Allianz-Arena

Related Articles

5 thoughts on “Juventus oo bar baro ka tuugtay Bayern xilli lagu ciyaarayay garoonkeeda+SAWIRRO”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close