Juventus Oo Guul kaga Gaartay garoonkeeda Naadiga Chievo Verona

Kooxda kubada cagta Juventus ayaa guul ka soo gaartay Naadiga Chievo kulan ka tirsanaa todobaadkii 3-aad ee horyaalka Serie A.

Juventus ayaa gool dhalisay daqiiqadii 17-aad iyaga oo ongool ay kooxda Chievo Verona si khald ah isaga dhalisay ka hor inta uu Gonzalo Higuain raacin goolka 2-aad daqiiqadii 58-aad.

Laacibka dalka Argentina ee Paulo Dybala ayaa ugu dambayn dhaliyay goolkii 3-aad isaga oo dhaliyay daqiiqadii 83-aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta isaga oo hogaanka u sii dheereeyay Naadigiisa juventus.

Waxana ugu dambayn sidaa ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda Juventus sidaas ku heshay 3-da dhibcood ee ciyaarta iyaga oo dhibcohooda kor ugu qaaday 9 dhibcood sides hogaanka kusii dheeraystay   horyaalka Serie A.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close