Juventus oo indhaha la raaceysa saxiixa Ander Herrera

Laacib.so Naadiga Juventus ayaa qorsheeneysa in ay soo qaata laacibka khadke dhexe ee nadiga Man Untid ee Ander Herrera sida ay baahinaya wargeysyada talyaaniga.

Kadib markii ay kooxda Juventus weyday adeega xiddiga reer France ee Poul Pogba Oo ku biiray kooxda manchester united Juventus ayaa haatan awoodeeda isugu gaynaysa sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd xiddiga reer Spain ee Herrera.

Xiddigan oo aan la filayn in uu boos joogto ah ka helo kooxda manchester united ayaa xagaagii 2014 uga soo biiray kooxda reer Spain ee Athletic Bilbao isaga oo ugu yimid kooxda manchester united lacag dhan £30m.

Laakiin mustaqbalka xiddigan ee garoonka Riyada ayuu mugdi ku jiraa kadib imaantinka Poul pogba ee xagaagan xilli la filayo in uu kursiga kaydka fadhiyo xilli ciyaareedkan hadii uuna ka tagin inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close