Juventus oo u soo gudubtay wareega 16-ka Champion League

kooxda kubada cagta Juventus ayaa kabadaisay kooxda Olympiacos kulan qeyb ka ahaa tartanka Champion League waxeyna ugu awood sheegatay 2-0.

Juventus ayaa ku jirta Group-ka D iyado leh 11-dhibcood waxaana hogaanka Group-kan haya kooxda Barcelona oo leh 14-dhibcood, waxaana kaalinta 3-aad ku jirta kooxda Sporting CP waxeyna leedhahay 7-dhibcood.

Tani ayaa ka dhigan in kooxda Juventus ku soo baxday kaalinta 2-aad ee heerka Gruop-yada waxeyna si toos ah ugu gudbeysa wareega 16-ka.

Kooxda juventus waxey xaley goolasha ka kala heshay laacibiinta kala ah Juan Cuadrado iyo Federico Bernardeschi, cayaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-0.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close