Juventus Oo War Rasmi Ah Kasoo Saartay Hadii Xili Ciyaareedkan Ay Iibineysa Paul Dybala

Madaxa fulinta ee Kooxda kubada cagta Juventus, ninka lagu magacaabo Giuseppe Marotta ayaa sheegay in kooxda reer Italy uusan qorshaha ugu jirin inay iibiso xagaagan xidiga Paul Dybala, inkastoo ay warar xan ah ay jiraan.

Manchester United, ayaa lala xiriirinayaa inay lasoo wareegeyso Dybala, kaasoo laga saaray shaxda Juve, bishii lasoo dhaafay, waxayna taasi sabab unoqotay inuu shaki weyn uu soo galo mustaqbalka wiilkaan reer Argentina ee Turin.

Kadib markii Philippe Coutinho ay ku iibsatay lacago waali ah kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa waxaa Marotta la su’aalay kadib kulankii ay Juve 1-0 uga badisay dhigeeda Cagliari  Sabtadii hadii uu umaleynayo in Dybala uu wadaas qaadi karo.

Wuxuu yiri: “Juve wax dareen ah oo ku aadan suuqa kuna saabsan Dybala ma jiro, oo ay qabto, suuqa Janaayo wuxuu kaliya ku saabsan yahay inaan dib udhis badan aan ku sameyno qeybaha kala duwan ee kooxdeena.

Mar la weydiiyay hadii uu jiro qiimo go’an, kaasoo ay ku beecinayaa Dybala ayaa wuxuu raaciyay: “Ma jiro wax qiimo ah, oo aan duldhignay isaga, waxaana umaleynayaa in aysan jirin wax isaga quseeya oo suuqa yaala.

Sikastaba, hadalka kasoo yeeray madaxa fulinta ee kooxda kubada cagta Juventus ayaa wuxuu waji gabax uu ku yahay kooxaha xiiseynaya ama lala xiriirinayay inay la wareegayaan Dybala, wuxuuna ka dhigan yahay in uusan meelna usocon.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close