Juventus sidee afar dhamaadka kusoo gaartay Falanqeyn Kooxda ku saabsan?

Ciyaartii xalay dhacday ee Koobka Champions league ayaa waxaa taariikh sameeysay Kooxda Marwada Duqda ah ee kaliya ka socota Wadanka Italy oo aan sanadyadaan looga baran in ay soo gaaraan afar dhamaadka Koobka Dhagaweynaha ee Champions league-ga, waxeyna kooxdu dadaal badan u gashay sidii ay ku reebi lahayd kooxo waaweyn oo ay dhagta u dartay in ay ka ciribtiraan haba ugu dambeeysaa kooxdii ka socotay Dalka Spain ee Barcelona oo dadweyne fara badan ay qiimeeyeen in ay soo bixi karto naadiga Barcelona iyagoo fiirinaya ciyaartooyda u ciyaareeysa balse nasiibku aysan fiiriinin waxaana habeenkii xalay ahayd Kooxda Barcelona u ahayd habeen murugo ah oo ay dareento in koox laga badiyo qaraarkii la tusiyo sida ay marar badan ku dhacday kulamadii ugu dambeeyey ee laga badinayay Kooxda Barcelona oo aad moodo markaan in ay sii wiiqmeeyso awoodeeda.

Naadiga Juventus ayaa haatan bannaanka u soo baxday in ay la ciyaarto koox kale oo ka tirsan horyaalka Spain ama naadiga kaliya ee ka socda France ee Manoca waxeyna u badantahay in naadiga Juventus ay la ciyaari doonto Manoco si Kooxaha ka wada socda Spain ee Real Madrid iyo Atletico Madrid ay isku magaalada yihiin in ay isasoo reebaan si Final ay u yimaadaan laba koox oo laba wadan ka kala socda.

Dadka odorasa ciyaaraha adduunka ayaa ku qiimeeyey hadii isku aad la sameeyo ee labada koox ee Spain lagu kala daro kooxaha kaliya ee ka socda Italy iyo France in uu Koobka Champions leageu-gu uu san lahaanin xiiso sababtoo ah kooxahaan spain ka socdo dhowr jeer ayay Final isugu soo bexeen hadii aan dib ugu laabano Final-kii ugu dambeeyey e Champions leageu-gu waxaa isugu soo haray Real Madrid iyo Atletico sidaasi waxaa ku qaaday koobka Real Madrid sanadkii la soo dhaafay 2016-dii waxaana dadka falanqeeya ciyaaraha ay u badinayaan in Spain la isku garaaci doono kadib ay hal koox ka soo bixi doonto si Final ay u yimaadaan.

Naadigaan wacdarada ku dhigay Kooxda Barcelona ee Juventus ayaa la saadaalinayaa hadiiba ay Barcelona meel saareen in ay ku guuleeysan karaan Champions league-ga sababtoo ah gurigoodii ayay kaga soo badiyeen Kooxda Barcelona kadibna markii la yimid Camp nou waxa ay barbar dhac goolal la’aan ah kaga soo adkaadeen ciyaartii xalay dhexmartay labada naadi.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close