Ka Hor Isku Aadka Wareega 16 UCL Pep Oo Soo Bandhigay Dareenkiisa & Hadii Uu Baqayo

Tababaraha kooxda kubada cagta Manchester City, ee Guardiola, ayaa waxa uu sheegayaa in isku aadka wareega 16-ka ee tartanka Champions League, uu yahay sanadkaan mid ay kasoo bixi karaan kulamo musiibo ah.

Isagoo la hadlayay saxaafadda kadib ciyaartii xalay ayaa waxa uu shaaca ka qaaday Pep, inuu yahay mid aad uga walwansan isku aadka wareegaan, wuxuuna sheegayaa inuu si gaar ah indhaha ugu hayn doono.

Wuxuu yiri, mar uu ka hadlayay arinkaan: “Sida dhacda mar kasta, waxaa uu yahay Isku aadka wareegaan mid ay kasoo bixi karaan kulamo Musiibo ah, ama kuwa aanan ahayn, waana arki doonaa waxa dhaca.

Wuuxuu hadalkiisa raaciyay: “Laakiin, wax walba waxay ku xiran yihiin sida ay kooxuhu ku yimaadaan halkaan, waxaana ay noqon doontaa maalin khaas ah, laga yabaaa inay noqoto maalin musiibo u ah kooxa qaarkood.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Sikastaba, waxaan hubaa inay noqon doonto kulamo adag, waxaana aan nahay kuwa diyaar u ah inay wajahaan dhinac kasta, waxaana sugi doonaa waxa kasoo baxa, isku aadka.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close