Kabtan Ramos Oo Shaaciyey Hal Arin Oo Isaga Iyo Ronaldo Ay Mar Walba Isku Khilaafaan

Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos, ayaa waxa uu markii ugu horeysay uu qiray in isaga iyo ciyaaryahanka weyn ee Cristiano Ronaldo, ay yihiin kuwa mararka qaarkood isku dhaca, uuna soo kala dhax galo khilaaf.

Waxa uu cadeeyay in saaxiibtinimada ka dhaxeysa isaga iyo Ronaldo, oo uu ku sifeeyay mid soo jireen ah, aysan waxba dhimeen arinkaas, wuxuuna sheegayaa inuu yahay kamid yahay xidigaha ay aadka isku fahansan yihiin.

Isagoo wareysi siinayay Talefishin laga leeyahay wadanka Spain, ayaa waxa uu yiri, Ramos: “Waxa aan mar walba isku khilaaf kaliya waa hal arin, waaan go’aamada laga qaadanayo xidigaha kooxda, waana wax iska caadi ah.

Ronaldo iyo Ramos, ayaa waxa uu soo shaac baxay khilaafkoodii ugu xooganaa, bishii tagtay ee October:- kadib markii Ronaldo, uu sheegay in xidigaha dhalinyarada ah ee Real, ay yihiin kuwa aanan lahayn khibrad.

Laakiin, Ramos, oo u jawaabay Ronaldo, ayaa waxa uu sheegay taasi aysan ahayn mid sax ah, uuna ku qaldan yahay in sidaas uu dhoho CR7:- waxaase ugu dambeyn sheekada biyo qabow ku shubay macalin Zidane.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close