Kabtankii Hore Ee qaranka Baskitball Saciid Jaamac Cali Qorshel oo Maanta qado sharaf u sameeyay Bahdii sports-ka

Kabtankii Hore Ee qaranka Baskitball ka ahna Wasiirkii hore Ee Wasaaraddda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Saciid Jaamac Cali Qorshel oo Maanta qado sharaf u sameeyay Bahdii sports-ka Ee bariismadka

Munasibada waxaa ka soo qeeb galay ra’iisal wasaarahii hore dalka Maxamed Cabdi Yuusuf , ra’iisal wasaarahii hore ee dalka C/raxmaan Xaaji Aaden (Ibbi)Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo ahaa garsoore hore oo caalami ah ,Xoghayahii ugu horeeyay ee Olompicada Somaliyeed Maxamed Xuseen Haadi ,Goolhayahii hore ee qaranka Joorge ,daafacii dalka Cisman Maya iskood,Cabdicasiis Gaftin ,Xaaji Calow,Cabdiqadir Abkow, xasan yare iyo cayaaryahano badan oo bariisamadka ah

Gaba gabada kulanka waxaa lagu go’aamiyay in sanduuq qaran oo Sports ah la sameeyay si loo caawiyo cayaaryahandii hore ee bariisamadka ee xanuunsan .

Dalka waxaa ku xanuusan laciibiintii hore ee qaranka ee kala ah jurra ,dafacii hore ee madabacada Cabeey halka daruuf aduunyo ay heysto cayaaryahano badan uu ka mid yahay goolhayahii hore ee qaranka Jeylaani Khaliif Maxamed oo haatan da`a ah, kuna nool duleedka magaalaa Afgooye isagoo bariskiisa maalin laha ka dhacsa gaari dameer

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close