Kacdoonka Ay Kooxaha EPL Ka Bilaabeen Champions League Iyo Sirta Ka Dambeysay Oo La Helay

Kooxaha Horyaalka dalka Ingiriiska ayaa waxay bilawga sanadkaan ciyaareedkan cusub ee Koobka Champions League, ayaa waxay umuuqanayaa kuwa aad u xoogan, iyagoona ku badinaya goolal aad u badan, waxaana kulamadii la dheelay xalay iyo habeenkii Talaada ay ahaayeen kuwa bandhiga fiican sameynayay.

Kooxaha EPL, ayaa waxaa la sheegayaa in sababta keentay in dardar xoogan ay lasoo galaan Tartaan ay tahay kadib markii Xilli ciyaareedkan ay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay ku bixiyeen aduun lacageed aad u badan, islamarkaana ay soo qaateen laacibiin waa weyn.

Manchester United oo Habeenkii Talaada dheeshay waxay ku badisay 3-0, iyadoona lasoo wareegtay Lukaku iyo kuwa kale, waxaana uu qeyb ka ahaan bandhigaas, sidoo kale Chelsea oo xidigo badan lasoo saxiixatay ayaa iyadana ku adkaatay 6-0, waxaana ay heshay Morata iyo kuwa kale.

Manchester City oo sameysay saxiixyada ugu badan ayaa waxay Habeenka Arbacada ay iydana ku awood sheegatay 4-0, waxaan ay ku hubeysan tahay Jesus iyo kuwa kale, iyadoona Tottenham ay iydana ku adkaatay 2-1, waxaana wadataa Kane, balse Liverpool ayaa Bareejo gashay iyadoona saxiixyo fiican sameyn.

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close