Kane Oo Soo Bandhigay Hal Arin Oo Ka Caawisay In Leo & CR7 Uu Ka Goolal Bato Sanadka 2017

Xidiga Tottenham ee Harry Kane ayaa wuxuu shaaciyey in sirta ka dambeysa inuu ka goolal bato Messi iyo Ronaldo sanadkii 2017 ay tahay inuu Hagaajiyey nolashiisa shaqsiga ah, islamarkaana uu wax walba ka dhigey mid Jadwaleysan.

Harry ayaa wuxuu udhaliyay sanadkii lasoo dhaafey ee 2017 wadankiisa iyo kooxdiisa goolal gaaraya 56, waxaana uu sanadkaan 2018, uu yahay mid hiigsi lamid ah, kaaso leh, sida uu isaga ka dhawaajiyey.

Wuxuu usheegay, Majalada ESPN: “Waxay yihiin iyaga [Messi iyo Ronaldo] ciyaartoyda ugu wanaagsan tabankii sano ee ugu dambeysay ama wax ka badan, iyaga ayaana ugu sareya ilaa iyo hada sax.

Wuxuu sii raaciyey: “Waxay yihiin kuwa hoos uga sii dhacaya inay noqdaan ciyaartoyda ugu wanaagsan abid, xitaa hadii aan ka sare marey, oo aan garaacey, waxay ii tahay mid sharaf ah, aniga, waana wixii aan sameeyay sanadkaan.

Wuxuu sii daba dhigey: “Ma ahan kaliya garaacid, laakiin waa inaan ku guuleysto koobab, sida ay iyaga ugu guuleysteen.

Wuxuu ku daray hadalkiisa: “Waxaan Allebaryi jiray inta badan waqti geyga, si qaas ah, waqtiyadda aan dheelayo kulamadda, waan imaan jiray tababarka, waan dheeli jiray, waan soo kaban jiray, waana nasan jirey.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey: “Waana wax aan jeclahay inaan sameeyo, laakiin hadii aad lumiso qeyb kamid ah, nolashaada shaqsiga ah, ma ahan fikrad wanaagsan, laakiin ma ahan ciyaartoyda oo dhan waa waxa aan aniga samaeeyo.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Dhamaan waxybaahahaan ayaa waxay ii sahleen inaan si fudud ku gaaro dhamaan waxyaabihii aan hiigsanayey sanadkii hore, waxaana ku farax-sanahay waxayna ii tahay sharaf.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close