Karim Benzema oo garoomada ka maqnaan doono muddo u dhaxeysa 4 ilaa 6 todobaad

Real ayaa xalay bar bar dhac min hal gool ah waxa ay la galeen kooxda Levante waxa uuna kulankaas ka tirsanaa wareegga 3-aad ee horyaalka dalka Spain.

Real waxa qeybtii 1-aad ee kulankaas kaga dhaawacmay Karim Benzema kaasi oo garoonka laga saaray daqiiqaddii 27-aad

Kooxda Real waxa ay sheegeen in xiddiga uu dhaawac culus ka gaaray muruqa lugta middig ayna u badan tahay in todobaadyo uu ka maqnaado garoomada .

Wargeyska Espn ayaa ilo ku dhaw Naadiga Real ka soo xigatay in laacibka uu garoomada ka maqnaan doono muddo u dhaxeysa 4 ilaa 6 todobaad waxa uu Karim Benzema halis ugu jiraa in uu seego kulamada Real Sociedad , Real Betis ,Deportivo Alaves iyo Espanyol ee Horyaalka La Ligaha

Waxaa kale uu seegi karaa kulamada horyaalka qaarada yurub ee Champion-ka ee ay la ciyaarayaan kooxda APOEL iyo Dortmund

Wargeyskaas ayaa tilmaamaya in Benzema saacadaha soo socda uu marayo tijaabo caafimaad isla markaana kooxda Real madrid ay war rasmi ah ka soo saareyso xaaladda dhaawac ee laacibka

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close