KASHIFAAD: Barca Oo Real Ku Garaacdey Saxiixa Coutinho & Sida Ay Ku Dhacdey Oo La Ogaadey

Maalmo ka hor ayey ahayd markii ay Liverpool iyo Barcelona ay wada gaareen heshiiska uu Coutinho ugu soo wareegayo kooxda reer Spain, waxaana labada kooxood ay ku heshiiyeen in 26-sano jirkaan lagu iibiyo 194 Malyuun oo Dollar, Coutinho oo hada ciyaaryahan Barcelona ah islamarkaana xalay lagu soo bandhigey xarunta naadigaan, ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu maro Tijaabada caafimaadka islamarkaana loo xiro Lamberka 7aad.

Laakiin, Real Madrid ayaa waxay isku deyday inay kala wareegto Barcelona, ama ay ka afduubto kadib markii ay ku darsatey shaxdeeda, ayna la hadashay qaar kamid ah dadka sida aadka ugu dhowdhow laacibkaan reer Brazil, Sida laga soo xigtay, Majalada Mundo Deportivo, ee kasoo baxda wadanka Spain, Madrid ayaa waxay dooneysay inay Coutinho ay si lama filaan ah uga dejiso Garoonkeeda Bernabeu, laakiin ma aysan usuura gelin.

Waxay sheegeysaa Jariiradaan in Real Madrid ay diyaar ay u ahayd inay bxiso aduun dhan 177 Malyuun oo Yuuroo, si ay ula soo saxiixato Coutinho, laakiin xidigaan ayaa ka diiday islamarkaana rabey inuu udheelo camaaliqada La Liga.

Sikastaba, Coutinho ayaa waxaa lagu wadaa inuu kulankiisa ugu horeeya uu udheelo Barcelona, todobaadkan, kadib markii kasoo kabto dhaawac dhanka Kubka oo uu haatan qabo, xidigaan 26-sano jirka ah.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close