KASHIFAAD: Maxay Chelsea U Tahay Kooxda Kaliya Ee Awood U Leh Inay Joojiso Lionel Messi?

Xidiga Barcelona ee Lionel Messi ma ahan mid aan la joojin karin, waxaana si xasiloon ku ilaalin karta Chelsea kulankeeda ay la dheeleyso Champions League, sida uu aaminsan yahay xidigii hore ee Blues, Michael Duberry.

Chelsea oo marti qaadeysa lugta koowaad ee tartanka Champions League, wareegiisa 16-ka oo dhacay 20-ka Febraayo ee sanadka dambe ayaa ka hor tegay Barcelona, oo kamid ah, kooxda ugu halista badan Yurub iyo tartankaan.

Kooxda reer London, ayaa kulankaas waxay u baahan tahay inay garaaco naadiga ka imaaneysa gobolka Catalonia, si ay usoo xusuusiso jabkii ay u geysatay sanadkii 2012, markaas dhagaha lagu dhuftay Barcelona.

Messi, ayaa wuxuu ku jiraa xili ciyaareedkan qaab ciyaareed heer sare ah, wuxuuna dhaliyay 14 gool kulamada uu ka dheelay La Liga – Laakiin rikoorkiisa gooldhalinta ee Chelsea iyo Champions League, ayaa ah mid adag

Laacibkaan ayaa wuxuusan wali ka dhalin Blues wax gool ah Sideed jeer oo uu kaga hor yimid tartamada oo dhan, waxaana ay tahay heerkiisii ugu xumeed abid uu ku wajaho kaliya hal koox oo Yurub ah.

Iyadoo ay jirto arinkaas ayaa halyeeygii hore ee Chelsea, ninka lagu magacaabo Duberry wuxuu qiray in Chelsea, ay qorsheenayso kulankaan inay hareereyso laacibkaan reer Argentina, ayna dooneyso inay ku joojiso.

Wuxuu usheegay Express Sport: “Waa laba kulan oo halaag ah, oo midba la siiyay Habeen, labadoodana waa ay badin karaan – Waa sida laba feeryahan oo xoog badan, kuwaasoo soo saaraya culeys ay ku gaarayaan wareega xiga.

Wuxuu intaas ku daray: “Hada waa xaalka qofka u gudbi doono – Chelsea waxay haysataa fursad wanaagsan inay ka badiso Barcelona – Waa kulan heer sare ah, oo Yurub ah – Sida iska cad, Chelsea waxay dooneyaa inay si fudud ku dhaafto.

Wuxuu hadalkiisa raaciyay: “Laakin waa inaad u socotaa iyadoo kooxo kale, ay ku sugayaa waa kulan kale oo aad wajaheyso Barcelona, Messi waa mid mar walba halis ah – Barca waxay haysataa xidigo kale, oo waa weyn.

Wuxuu raaciyay: “Messi waa DNA-ga Barcelona, waxay ku dheelaan isaga, waana tan ka dhigtay DNA-ga Yurub oo dhan – Waa kulan kulan, laakiin waxay umaleynayaa in Chelsea ay haysato fursada ugu wanaagsan.

Wuxuu ku sheegay sababta: “Rikoorka Messi ee kooxaha Ingiriiska ma ahan mid uu la helo “Alle Aniga” – Waa jirta kaliya hal koox uu isaga xasiloon yahay, waxaaan urajeynayaa in uusan gool ka dhalin [Chelsea]

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close