KASHIFAAD: Ronaldo Oo Ku Amrey Maamulka Real La Ceeriyo Zidane Lana Keeno Macalinkaan

Weerar yahanka Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu doonayaa in shaqada laga ceeriyo macalinkiisa Zidane, sida laga soo xigtey Majalada Don Balon ee kasoo baxda caasimada wadanka Spain.

Zidane oo labo sano ka hor loo dhiibey shaqada Los Blancos ayaa inkastoo uu kula guuleysto koobab badan, hadana waxaa hada ku jira shaqadiisa Boqorada La Liga, shaki weyn, kadib markii natiijooyin xun uu keenay kulamadii ugu dambeeyay.

Sikastaba, Don Balon ayaa sheegeysa in Ronaldo uu doonayo in shaqada Madrid loo dhiibo macalinka Liverpool ee Klopp, kaasoo aanan wax koob ah kula guuleysan tan iyo markii uu yimid sanado ka hor.

Jariiradaan ayaa sheegeysa in sabab uu Ronaldo udoortey Klopp inay tahay inuu yahay mid dhiiro gelin badan, islamarkaaan ciyaartoyda aad ugu qeyliya inta ay socoto ciyaarta ama kulan ciyaareedka ay dheeleyso kooxdiisa.

Klopp, ayaa wuxuu Liverpool, uu uga yimid dhigeeda wadanka Jarmalka, ka dhisan ee Dortmund, waxaana la sheegaa inuu kamid yahay macalimiinta waqti xaadirkaan ugu wanagasan dunida kubada cagta.

Dhanka kale, isagoo mar sii horeysay ka Hadley Zidane, mustaqbalkiisa ayaa wuxuu xaqiijiyey inuu unugul yahay inuu waayo bookiisa, waxaana uu cadeeyay in uusa fileyn inuu joogo Madrid, sanada so aadan.

Wuxuu yiri: “Labo sana ama Sadexda sano ee soo aadan ma filayo inaan sii joog halkaan, sababtoo ah, waxaan ogahay waxa ay tahay halkaan, laakiin aan wada aragno waxa dhaca mustaqbalka iyo sida aan uga falceliyo.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close