KASHIFAAD: Ronaldo Oo Mar Kale Ka Codsaday Xidig Udub Dhaxaad U Ah Barca Inuu Yimaado Real

Majalada Spanish-ka ah ee lagu magacaabo Diario Gol, ayaa sheegeysa Ciyaaryahanka Naadiga Real Madrid, ee Cristiano Ronaldo, inuu ka codsaday xidig Barcelona ka tirsan inuu kusoo biiro Boqorada Horyaalka Spain.

Jareeradaan ayaa waxay sheegeysaa in Cr7, uu soo xero gilinta Laacibkaan dhaxda ka dheela uu u adegsanayo wakiilkiisa ama Dulaalkiisa oo lagu magacaabo Jorge Mendes, kaasoo ah mid ay aad isugu dhow yihiin Joog dheeraha Madrid.

Ciyaaryahanka uu doonaya inuu garoonka caasimada kasoo dejiyo Ronaldo, ayaa wuxuu yahay Andrea Gomez, kaasoo ah mid udhashay dalka Portugal, waxaana ay yihiin kuwa isku arka mar waliba qarankooda.

Sheekadaan ayaa waxay muuqataa mid uu Ronaldo ugu naxayo mustaqalka Da’yarkaan, maadaama uusan haatan boos joogta ah, uusan ka haysan camaaliqada Horyaalka Spain, islamarkaana uu doonayo inu Madrid, keeno.

Balse, waxaan la ogeyn, waxa ay ka dhihi doonto Blaugrana, oo la aaminsan yahay in aysan marnaba ku fududaan doonin inay ciyaaryahan ay ka iibiso Los Blancos, maadaama ay yihiin awooda koowaad ee La Liga.

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close