Kevin De Bruyne oo Noqdey boqorka dhiibista Premier League

Laacibka qadka dhaxe ee  kooxda kubada Cagta Manchester City  Kevin De Bruyne ayaa Noqdey Cayaaryahanka ugu dhiibista Horyaalka Premier League ee England kadib markii uu Caawiyey Goolkii ay Guusha dirqiga ah kaga qaateen kooxda West Ham United.

Xiddiga Kevin De Bruyne Tan iyo markii uu yimid Garoonka Etihad Sanadkii 2015 kii Waxa uu Caawiyey 35 Gool mana jiro Cayaaryahan ka dheela Horyaalada shanta ah ee laxiiseeyo qaarada yurub oo sidaas oo kale Sameeyey xitaa Mesut Ozilka ugu Caawinta badan  kooxda Arsenal.

Mesut Ozil ayaa ahaa Boqorka dhiibista Horyaalka Premier League dalka England balse Waxaa boqornimadii loo suray Xiddiga Manchester City ee Kevin De Bruyne kadib markii uu Noqdey kan dhiibay Goolasha ugu badan dhamaan inta xiligaan ka cayaarta Horyaalka dalka England.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close