Khabiir Sare Guillem Balague Oo Macalinka Barca U Qishay Booska Uu Ku Fiican Yahay Coutinho

Guillem Balague, oo ah Khabiir dalka Spain udhashay kana faalooda arrimaha cayaaraha ee wadankaas, kaasoo uga jawaabayay taageerayaasha kubada cagta ayaa la weydiiyay wax ku saabsan Philippe Coutinho

Su’aasha la weydiiyay Xeel-dheerahaan ayaa udhaceysay: “Kadib markii uu dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay, miyaa la dhihi karaa Coutinho, saxiixiisa waa mid aad wacan oo wax-tar leh?

Sikastaba, Mr. Guillem Balague, oo ka jawabayey su’aashaan ayaa yiri: “Maya ma dhihi karo wali, maxaa yeelay wuxuu kaliya dhaliyay hal gool, wuxuuna ubaahan yahay inuu helo kuwa kale, oo intaa ka badan.

Image result for Coutinho

Wuxuu intaas ku daray: “Wuxuu ubaahan yahay inuu udhawaado Lionel Messi, maxaa yeelay goolkaan wuxuu dhaliyay markii uu ku dhawaaday Leo, wayna ufududaan kartaa inuu shabaqa gaaro.

“Shaki ma gilinayo inuu yahay ciyaaryahan tayo fiican leh, maxaa yeelay waa xidig horey ugu soo shaqeeyay Premier League, waana uu la qabsanayaa kubada cagta Spain, waana arki doonaa waxa dhaca” ayuu kusoo gaba gabeeyay

Coutinho ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay tan iyo markii uu Barca uga soo biiray Janaayo dhigeeda Liverpool, ciyaartii ay xalay ku garaaceen Valencia 2-0, taasoo ay ku gaareen Final-ka Copa de Rey, ayna kula balansan yihiin Seville.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close