Khabiirka Reer Spain Ee Guillem Balague Oo Shaaciyey Waqtiga Uu Coutinho Barca Ku Biiri Doono

Barcelona ayaa waxaa si weyn loola xiriirinayaa inay lasoo wareegeyso laacibka Liverpool ee Coutinho, waxayna tahay sheekada ugu hadalheynta badan ee wargeysyadda waa weyn ee caalamka

Wararka ku saabsan xiisaha Barcelona ee Coutinho ayaa wuxuu yahay mid iska soo daba dhacaya, waxaana Khabiirka reer Spain ee ka tirsan Sky Sport, laguna magacaabo Guillem Balague, uu aaminsan yahay in wax walba ay dhici karaa.

Balague, ayaa sheegay in Barcelona ay dooneyso inay soo gaba gabeyso saxiixa Coutinho inta lagu guda jiro Isbuucaan, islamarkaana wax walba ay ku xirnaan doono qaabka ay udhacaan wada hadalada labada koox.

Wuxuu yiri: “Waxaan ognahay in Coutinho uu yahay ciyaaryahan wanaagsan, marka Barcelona waxay mar walba ay rabtaa inay hesho ciyaaryahanka aduunka ugu wanaagsan, si lamid ah kuwa Real Madrid.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray: “Waxaan ognahay sidoo kale, in Barcelona ay dooneyso inay soo gaba gabeyso soo qaadashada Coutinho dhamaadka Isbuucaan ama inta uu lagu guda jiro [Todobaadkan]

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay hadalkiisa: “Laakiin, wax walba waxay ku xiran yihiin qaabka ay udhacaan wada hadalada labada koox, markaas ayay dhici kartaa in Coutinho uu todobaadkan kusoo biiro Barcelona.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close