SAWIRRO: Klopp & Coutinho Oo Hogaaminaya Wiilasha Kusoo Laabtay Tababarka Liverpool

Laacibiinta Kooxda kubada cagta Liverpool, ayaa waxa dib ugu soo laabteen xaredooda tababarka oo lagu magacaabo Melwood, waxaana ay isku diyaarin doonaan kulanka ay la balansan yihiin Manchester United.

Xidigahaan ayaa waxay kasoo laabteen ciyaaraha isreereebka koobka aduunka ee 2018-ka, kaasoo ka dhacaya dalka Ruushka, waxaana soo baxay xulal waa weyn, iyadoona ay hareen islamarkaana uu daadka raaceen kuwa kale.

Ciyaartoyda maanta usoo noqotay Reds, ayaa waxaa kamid ah Philippe Coutinho, kaasoo kamid ah, xidigaha ugu muhiimsan ee waqti xaadirkaan oo ay haysato Naadigaan ku dheesha Garoonka Afield, ee Gobolka Marasites-ka ku yaala.

Sidoo kale, tababarahooda udhashay dalka Jarmalka ayaa wuxuu dib ugu soo laabtay xerada tababarka, waxaana ay isku diyaarin doonaan sidii ay uga “taqalusi” lahaayeen United, oo uu wato Jose Mourinho, oo horey ugoon diyay.

Klopp, Courtinho iyo wiilasha kala, ee Liverpool, ayaa waxay yimaadeen garoonka iyagoona wada gawaadhi aad u qurux badan, waxaana arintaan ay noqotay mid ka yaabisay dadka ama taageerayaasha Kooxdaan.

Philippe Coutinho is spotted arriving at Melwood after the international breakJurgen Klopp will be hoping both players are on form at Anfield

Emre Can arrives at the training ground

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close